Shabakada Boxoffice India (BOI) waxay waqti u heleysaa Update gareenta iyo sixitaanka filimadii sanadii 2018 soo baxeen madaama shabakadan haatan ku mashquulsaneyn dabagalka aflaanta masraxa saaran waayo tiyaatarada Hindiya waa kuwo xiran.

Sidaa darteed BOI waxay soo daabacday xogta dhameestiran ee filimka Veer Di Wedding ee gabdhaha hogaamiyaal ka ahaayeen gaar ahaan Kareena Kapoor Khan iyo Sonam Kapoor wuxuuna noqday sida rasmiga ah HIT ama filim macaash laga helay. Fadlan hoos kaga bogo macluumaadka filimkan oo dhameestiran laguna soo daabacay keedka BOI:

Jilaayaasha: Kareena Kapoor Khan, Sonam Kapoor, Swara Bhaskar iyo Shikha Talsania

Director: Shashanka Ghosh

Waqtiga la daawaday: 1 June 2018

Tiyaatarada la saaray: 2200

Nidaamka uu ku furmay: Si wanaagsan (Good Openning)

Maalinta kowaad ganacsigiisa: 10.42 Crore

Sedexda maalmood ugu horeyso: 35.39 Crore

Todobaadka kowaad – 54.46 Crore

Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay: 80.27 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 42 Crore

Saamiga laga helay qolyaha cajaladaha qeybiyaan: 39.17 Crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor: 101.53 Crore

Suqyada caalamka ganacsigiisa:$5.42m

Ganacsigiisa dibad & dal la isku daray: 137.97 Crore

Tirada tikit u goosatay gudaha Hindiya: 6-milyan & 236,000 oo qofood.

Inta todobaad uu masraxa Hindiya saarnaa: 8-todobaad ama 56-maalmood.

Natiijadiisa rasmiga ah: HIT (190% ayuu dib usoo celiyay lacagtiisa)

Qiimeynta sheekada: 3.2/10 IMDb rating

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here