Corona Virus kaliya Hollywoodka saameyn kuma yeelan sidoo kalana toogtaan Bollywoodka ayuu cagta soo saaray anagoo wada og saameynta uu filimkaan ku yeeshay filimada tiyaatarka saaran haba ugu weynaadee filimka Baaghi 3 kaasoo ganacsigii laga filaayay haafkiisa xitaa keenin.

Tan iyo markuu caabuqaan soo baxay waxaa la hakiyay filimaan badan oo dib loo dhigay daawashadooda haatana duubistii ayaa la bilaabay in dib loo dhigo waxaana ugu dambeeyay filimka Jersey ee uu hogaamiyaha kayahay Shahid Kapoor.

Filimkaan oo asal ahaantiisa laga min guuriyay filim Telagu ah ayaa haatan duubistiisa dib loo dhigay waxaana lagu wadaa in la ambo qaado howshiisa kadib markii xal loo helo xaalada taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here