Shahid Kapoor waqti wacan ayuu bartanka kaga jiraa madaama filimkiisii ugu dambeeyay Kabir Singh noqday Blockbuster weyn sidoo kalena mashruucan ilaa iminka waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay 2019 Bollywood-ka la imaaden asigoo keenay 276 Crore sidoo kalena awooda Shasha sare ayay u kacday.

Shahid Kapoor ayaa taageerayaasha siweyn kaga farxiyay madaama uu haatan si rasmi ah shaaca kaga qaaday filimka Telugu ee Super Hit-ka weyn noqday sanadkan Jersey dib u sameenayo asigoo Hindi ah waxaana mashruucan Director ka ah Gowtam Tinnanuri oo isla qaybta asalka ahayd sameeyay sanadkan.

Filimka Jersey waxaa amaan lixaad leh ku helay Nani oo ku matalaayay cayaaryahan cayaarta Cricket-ka iska dhaafayo marka uu reer yeesho aabo noqdo 10-sano kadib kusoo laabanayo cayaarta iyo hormarka naadirka ah uu ka sameenayo waana filim fariintiisa heer sare tahay aadna loo amaanay bandhigii Nani iyo qiirada adag uu mashruucan xambaarsanaa haatana Shahid Kapoor ayaa mashruucan xiisaha badan asigoo Hindi ah sameenayo.

Dib u sameynta filimka Jersey waxaa tiyaatarada la saari doonaa 28 Aug 2020 sida Shahid Kapoor shaaca ka qaaday waxaana mashruucan soo saarayaal ka ah Allu Aravind, Aman Gill iyo Dil Raju sidoo kalena dhawaan ayay duubistiisa bilaaban doontaa laguna soo dari doonaa jilaayaasha kale Shahid kala soo muuqan doonaan filimkan xiisaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here