Shirkada Hindiya ugu weyn ee aflaanta soo saarto Yash Raj Films (YRF) ayaa ku dhawaaqday aflaanta waa weyn ee shirkadan u diyaarsan lana daawan doono sanadkan gudihiisa 2021 waxayna la wareegeen hadal heynta Bollywood-ka madaama shirkadan calaameesatay waqtiyo kala duwan oo aflaanteeda xiisaha badan la daawan doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimada YRF iska leedahay ee sanadkan 2021 la daawan doono mid walbo jilaayaasha jilayaan iyo xiliga rasmiga ah ee loo asteeyay in tiyaatarada la saaro:

“SANDEEP AUR PINKY FARAAR” waxaa la daawan doonaa 19 Maarso 2021 waxaana hogaamiyaal ka ah Arjun Kapoor iyo Parineeti Chopra, halka Dibakar Banerjee uu Director ka yahay.

“BUNTY AUR BABLI 2” waxaa la daawan doonaa 23 April 2021 waxaana hogaamiyaal ka ah Saif Ali Khan, Rani Mukerji, Siddhant Chaturvedi iyo Sharvari halka Varun V. Sharma uu Director ka yahay.

“SHAMSHERA” waxaa la daawan doonaa 25 June 2021 waxaa hogaamiyaal ka ah Ranbir Kapoor, Vaani Kapoor iyo Sanjay Dutt halka Karan Malhotra uu Director ka yahay.

“JAYESHBHAI JORDAAR” waxaa la daawan doonaa 27 August 2021 waxaa hogaamiyaal ka ah Ranveer Singh, Shalini Pandey, Boman Irani iyo Ratna Pathak Shah, halka Divyang Thakkar uu Director ka yahay.

“PRITHVIRAJ” waxaa la daawan doonaa 5 November 2021 (Diwali) waxaa hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Manushi Chhillar, Sanjay Dutt iyo Sonu Sood halka Dr. Chandraprakash Dwivedi uu Director ka yahay.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here