Home » Box Office » Rasmi: Stylish Star Allu Arjun filimkiisa Naa Peru Surya oo tiyaatarada ka dagay waana FLOP!

Rasmi: Stylish Star Allu Arjun filimkiisa Naa Peru Surya oo tiyaatarada ka dagay waana FLOP!

Stylish Star Allu Arjun ayaa mudo dheer kadib guuldaro dhadhamiyay madaama filimkiisa Naa Peru Surya uu FLOP noqday sida shabakada Andhara Boxoffice xaqiijisay.

Filimka Naa Peru Surya ayaa tiyaatarada isaga dagay wuxuuna soo baxay 4 May 2018 mashruucaan Action-ka ah cimri ahaantiisa wuxuu soo xareeyay 92 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Filimka Naa Peru Surya saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 53.70 Crore waxaana xusid mudan in 75 Crore lagu iibsaday xuquuqdiisa taasi oo ka dhigan in qasaaro lagala kulmay filimkan.

Filimka Naa Peru Surya suuq walbo lacagaha uu kasoo xareeyay oo ay si rasmi ah usoo daabacday shabakada Andhra Boxoffice fadlan hoos kaga bogo:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 59.40 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 39.55 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 5.10 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 2.04 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 11.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 6.05 Crore

Gobolka Tamil Nadu wuxuu ka keenay 6.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 2.50 Crore

Gobolka Kerala wuxuu ka keenay 5.70 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 2.25 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 3.80 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.31 Crore

Wadarta Guud lacagaha uu keenay 92 Crore, Saamiga Guud ee laga helay 53.70 Crore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *