Bollywood Action Hero Aka Suniel Shetty wuu soo rogaal celiyay haatana mashquul xad dhaaf ah ayuu bartanka kaga jiraa waxaana u heynaa aqbaar weyn taageerayaasha Suniel madaama filimkiisa Hollywood-ka ah Call Centre macluumaad dhameestiran laga soo bandhigay weliba halyeegaan isaga ayaa filimkan udub dhexaad u ah.

Filimka Call Centre waxaa Director ka ah ninka American-Chinese-ka ah Jeffery Chin waxaana haatan lagu duubayaa magaalada Hyderabad waxayna fariintiisa ku saleesan tahay dhacdo si dhab ah loo diiwaan galiyay kuna saabsan askari Hindi ah kaasi oo kashifaayo ama ogaanayo dhac loo geestay bar taleefoonada laga hago oo malaayiin lacago ah laga lunsanaayo.

Filimka Call Centre wuxuu ka hadlaa “Afar qof oo ka shaqeyso xarunta taleefoonada laga hago ee Hindiya iska leedahay waxayna dhac u geesanayaan shirkad Mareekanka laga leeyahay ayagoo si xirfadeesan kaga dhacayaan $381m. Waxaana kiiskan hor ogaanayo Suniel Shetty oo askari Punjabi ama Siinga Siinga ku jilaayo kadibna sirdoonka Mareekanka war galinaayo waxayna isla sameenayaan baaritaan caalami ah.”

Waxaa jirto qorshe la doonayo filimka Call Centre in luqadaha Hindi iyo Telugu lagu codeeyo sidoo kalena waxaa filimkan Suniel la jilayaal Vishnu Manchu oo mashruucan wax ka maal galinaayo iyo atirishada caanka ah Kajal Aggarwal wuxuuna Suniel mashruucan duubis ku bilaabay dhamaadka bishii September aan kasoo gudubnay waxayna shaqadiisa soo idlaan doontaa sanadka dhamaadka sanadkan.

Suniel Shetty oo 58-jir ah ayaa Action badan filimkan kuso bandhigi doono iyo is bursi badan madaama uu tuugo caalami ah la dagaalamayo wuxuuna mashruucan ku aqbalay in doorkiisa yahay mid adag oo daawadayaasha ka heli doonaan waxaana la qorsheenayaa lixda bilood ee hore 2020 in filimka Call Centre gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka laga daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here