Megastar Sunny Deol ayaa si rasmi ah usoo rogaal celinaayo wuxuuna shaaca ka qaaday filim cusub oo Action iyo qayaano isku jiro inuu sameenayo waxaana mashruucan agaasimo doono Director Hanu Raghavapudi oo reer Telugu ah.

Sunny Deol wuxuu beeniyay filimkan Action ah in sheekadiisa Koonfur Hindiya laga keenay balse wuxuu xaqiijiyay in Director-ka agaasimayo inuu Tollywood ka hawl galo waa filim sameeye Hanu Raghavapudi oo ku faraxsan la shaqeynta Sunny Deol waxaana filimkan aan magaca loo bixin duubis lagu bilaabi doonaa bisha April ee nagu soo fool leh.

Sunny Deol ayaa sheegay inuu tababar adag ku guda jiray dhawaanahan sidoo kalena mashruucan doorka uu ka qaadanayo dhib badan yahay karti badana uu kusoo bandhigi doono sidoo kalena dhawaan ayaa shaaca laga qaadi doonaa jilaayaasha kale ee kaalin ka qaadan doonaan filimkan Sunny Deol doonayo inuu Boxoffice-ka ku qabsado.

Filimkan waxaa maal galin doono Anuj Sharma oo la dhashay filim sameeye Anil Sharma oo horey Sunny Deol ugu sameeyay filimada Gaddar, The Hero, Apne & Singh Saab The Great waxaana la qorsheenaa in filimkan xiisaha badan dhamaadka sanadkan la daawado waana arin ku farxeen taageerayaasha Sunny oo dhawaanahan saaxada ka waayeen halyeegan dhanka siyaasada u batay balse hadda balan qaaday in siyaasada iyo filim jilista uu isku dheeli tiri doono madaama uu xil dhabaan qaran yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here