Tamil Superstar Dhanush ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay filimkiisa xiga Karnan waqtiga la daawan doono waa mashruuc Tamil ama Kollywood ah oo isaga hogaamiye kowaad ka yahay kana hadlaayo dadka sida ay cadaalada ugu baahan yihiin waqti kasto, waana filim kale oo weyn oo reer Tamil doonayaan sanadkan fanka Hindiya inay qabsadaan madaama Superstar Vijay filimkiisii Master ee horaantii sanadkan la daawaday gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ganacsi waali ah ka sameeyay.

Dhanush wuxuu usoo bandhigay aragtida ama kaartada kowaad ee idiin muuqato filimkiisa Karnan waxaana kaartada lagu soo xardhay in filimkan la daawan doono 9 April 2021 waxaana filimkan soo saare ka ah Kalaipuli S Thanu oo sheegay mashruucan Action inuu yahay sidoo kalena ka hadlaayo in dadka oo idil cadaalad u baahan yihiin sidoo kalena lagu xardhay kaartada filimkan in ruuxda cadaalada u baahan marnaba aysan geeriyoon ama dhimanin.

Karnan waxaa Director ka ah Mari Selvaraj halka atirisho kowaad ka tahay gabadha reer Malayalam Rajisha Vijaya waxayna u tahay markii ugu horeesay filim Tamil ah sameeneyso sidoo kalena mashruucan waxaa doorar muhiim ah ku leh Lakshmipriya Chandramouli, Gouri Kishen, Lal, iyo Yogi Babu.

Dhanush waxaa kaloo u diyaarsan filimkiisa kale Jagame Thandiram oo dhawaan lagu dhawaaqi doono xiliga la daawan doono sidoo kalena wuxuu wax ka jilaa filimka Hindiga ama Bollywood-ka ah Atrangi Re oo ay isla jilayaan Akshay Kumar iyo Sara Ali Khan. Sidoo kalena Dhanush maalmo ka hor wuxuu u amba baxay dhankaas iyo USA asigoo kusoo duubayo doorkiisa filimka Hollywood-ka ah The Gray Man ee shirkada Netflix iska leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here