
Superstar-ka reer Malayam Mohanlal sidoo kalena shirkadooda loo yaqaano Mollywood ayaa ku faraxsan filimkiisa aanan xayeysiinta balaaran loo sameynin Ittymaani Made in China hal todobaad HIT dhameestiran ku noqday.
Filimka Ittymaani Made in China waxaa lagu qarash gareeyay 10 Crore ($1.40m) ayaa u suura gashay todobaadkiisa kowaad inuu keeno 20.60 Crore ($2.90m) ganacsigiisa dibad iyo dal sidaas ayuuna HIT dhameestiran ku noqday.
Filimka Ittymaani Made in China wax xayeysiin balaaran ah looma sameynin haddana fariintiisa oo wacan awgeed Mohanlal mashruuciisa iska yar ee ka duwan aflaanta waa weyn uu sameyn jiray haddana ganacsi wanaagsan ayuu sameenayaa.
Fadlan hoos kaga bogo filimka Ittymaani Made in China todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu gobol walbo ka sameeyay iyo suuqyada caalamka:
Gobolka Kerala ee filimkan laga leeyahay wuxuu ka keenay – 12.20 Crore
Hindiya inteeda kale wuxuu ka keenay – 1.70 Crore
Gudaha Hindiya lacagaha uu ka keenay canshuurta ka hor – 13.90 Crore
Gudaha Hindiya lacagaha uu ka keenay canshuurta kadib- 11.80 Crore
Suuqyada caalamka ganacsiga uu ka sameeyay – 6.70 Crore
Wadarta Guud ganacsigiida dibad & dal la isku daray – 20.60 Crore