Tamil Superstar Rajinikanth taageerayaashiisa kuma aysan farxin in filimka ay wada sugaayeen Annaatthe haatan shaaca laga qaaday in Diwali 2020 la daawan doonin madaama mashruucan weyn jadwalo muhiim ah u harsan yihiin weli.

Annaatthe waa filimka 168-aad ee Rajinikanth hogaamiye ka yahay haatana waxay shirkada Sun Pictures oo filimkan maal galineyso shaaca ka qaaday in la daawan doono xiliga feestada Pongal 2021 ama todobaadka ugu horeeyso Janaayo 2021 sanadka dambe.

Filimka Annaatthe Rajini wuxuu ku matali doonaa walaal jecel reerkiisa ama qoyskiisa inuu marwalbo ilaaliyo waxaana Director ka ah Siva oo ku caan baxay sameynta aflaanta Veeram, Vedhalam, Vivegam iyo Viswasam horeyna inta badan Ajith Kumar filimada ugu sameen jiray balse markaan Jeestoole ayuu doonayaa inuu guul weyn siiyo.

Marka laga soo tago Rajinikanth filimka Annaatthe waxaa doorar muhiim ah ku leh Prakash Raj, Keerthy Suresh, Meena, Khushbu iyo kuwo kale mashruucana waxay duubistiisa si rasmi ah usoo bilaabatay bishii December ee sanadkii hore haatana weli jadwalo muhiim ah ayaa u harsan waana sababta keentay inaan la daawan doonin Diwali 2020 ama dabyaaqada sanadkan.

Dhinaca kale Rajinikanth wuxuu sheegay filim kale oo cusub inuu saxiixday oo Director ka noqon doono Lokesh Kanagaraj halka Superstar Kamal Haasan soo saare ka yahay waxaana filimkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa marka ay xaalada caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here