Mashruuca weyn ee Tanhaji-The Unsung Warrior ayaa keenay maalintiisa kowaad 14.50 Crore waana ganacsi heer sare ah balse waxuu ka gaabiyay qiyaastii laga filaayey ileen xalay waxaa lasii qiyaasay inuu 16 Crore gaari doono midaase madhicin oo xalay galinkii dambe sare ukac weyn ma uusan sameynin.

Waqooyiga iyo koonfur ayuu xoogaa gaabis ka muujiyay mashruucan balse bartamaha hindiya iyo galbeedka aad ayuu ugu wacnaa si qaas ah Mumbai ayuu ku xoogaana oo ganacsigiisa 50% uu ka sameeyay.

Maharashtra wuu ku wanaagsanaa balse Mumbai waa meesha kaliya aan loo dhowaan karin iyo suuqyada ku hareereysanba waxaa la filaa maanta oo Sabti ah iyo Axada inuu sare ukici doono sido kalena waqooyiga iyo koonfur inuu sare ukac ka sameyn doono ayaa la filaa maadama fasaxa todobaadka bilaawanaayo.

Dhanka kale Filimka Chhapaak ayaa asna ganacsi gaabis ah sameeyay waliba inta laga filaayey wuu ka hoos maray waxaa la islahaa xalay galinka dambe ayuu sare ukaca si uu 6 Crore u keeno balse ma dhicin oo 4.25 Crore ayuu keenay mashruucan.

Waxuu ku wanaagsanyahay Chhapaak tiyaatarafa waaweyn ee magaalooyinka laga daawado Multiplexes-ka waana kuwa reer magaalka loogu talo galay balse Single Screenska oo dabaqada dhexe iyo hoose ah ma aysan soo dhaweyn oo aad ayuu ugu liitaa halkaas marka cadaadiska ayaa ku badan Chhapaak xili labo Filim waaweyn tiyaatarada la saaran yihiin oo cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here