Superstar Ajay Devgn, Saif Ali Khan iyo Kajol filimkooda Tanhaji ayaa ganacsi waali ah sameeyay todobaadkiisa sedexaad wuxuuna keenay 38.50 Crore taasi oo ka dhigan wadarta guud in ilaa haatan uu soo xareeyay 232 Crore sida ay shaaca ka qaaday shabakada Boxoffice India (BOI) wuxuuna si rasmi ah u noqday BLOCKBUSTER  ugu horeeyay sanadkan 2020 Bollywood-ka helaan.

Tanhaji sidoo kale wuxuu All Time Blockbuster ka noqday gobolka Maharashtra waana filimka 3-aad ee loogu daawasho badan yahay gobolkan laga soo bilaabo sanadii 2000 ilaa haatan waxaana suuqan kaga weyn dhanka daawashada filimada Bahubali The Conclusion iyo Gadar – Ek Prem Katha oo kaliya waana labada HIT ugu weyn Bollywood-ka sameeyaan 20-ka sano ugu dambeesay.

Sidoo kale Tanhaji wuxuu galay liiska 5-filim ee Maharashtra iskoorada waalida ah ka sameeyeen 25-ka sano ugu dambeesay waxayna kala yihiin Bahubali – The Conclusion, Gadar Ek Prem Katha, Tanhaji – The Unsung Warrior, 3 Idiots iyo Kaho Naa Pyaar Hai.

Waa hubanti todobaadkiisa afaraad filimkan ganacsi adag inuu sameyn doono sidoo kalena cimri ahaantiisa 260 Crore ilaa 270 Crore ayuu gaari doonaa Ajay filimkiisa haddii dhamaan gobolada Hindiya siweyn kaga gadmaa 300 Crore ayuu ka talaabi lahaa balse hadda midaas uma suura gali doonto. Waxayna u badan tahay filimkan inuu masraxa sii saarnaan doono ilaa laga gaarayo marka tiyaatarada loo baneen doono filimka weyn Baaghi 3 oo la daawan doono 3 Maarso 2020.

Fadlan hoos kaga bogo Tanhaji iyo mudo sedex todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 115.28 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 77.87 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 38.50 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 231.65 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here