Home » Box Office » Rasmi: Taran Adarsh iyo shirkada Yash Raj Films oo soo daabaceen in filimka TOH 50 Crore gaaray!!

Rasmi: Taran Adarsh iyo shirkada Yash Raj Films oo soo daabaceen in filimka TOH 50 Crore gaaray!!

Kadib markii shabakada Boxoffice India (BOI) soo hor daabacday in filimka weyn Thugs Of Hindostan soo xareeyay 50.01 Crore (Trade Figure) ah, haatan qabiirka filimada ka faaloodo Taran Adasrh iyo Yash Raj Films oo iska leh filimkan ayaa iyagana xaqiijiyeen inuu darajada 50 Crore TOH ka talaabsaday.

Taran Adasrh iyo Yash Raj Films waxay ku xaqiijiyeen in filimka TOH soo xareeyay 50.75 Crore (Producer Figure) qaybta Af Hindiga lagu daawaday sidoo kalena 1.50 Crore kasoo xareeyay qaybta Af Tamil+Telugu lagu daawaday taasi oo ka dhigan wadarta guud luqadaha lagu daawaday inuu filimkan keenay 52.25 Crore (5000-tiyaatar).

Shabada BOI kaliya waxay diirada saartay qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo uu TOH keenay 50.01 Crore qiyaasta xiliga hore halka Taran Adasrh iyo Yash Raj Films ay ku sheegeen 50.75 Crore inuu keenay qaybta Af Hindiga lagu daawaday farqiga u dhaxeeyo waa wax yar oo Lakhs ah mana ahan wax weyn waana arin muujineyso labada dhinac inay isku dhow yihiin sidoo kalena la isku raacay filimkan inuu darajada 50 Crore bilaabay maalinta kowaad in la keeno.

Aamir Khan wuxuu muujiyay haddii uu filim ganacsi mada daalo dhameestiran leh la imaado iskoor walbo inuu cagta marin karo waayo awal filimadiisa bilaabasho taariikhi ah lama imaan jirin madaama uu dooran jiray sameynta filimada fariinta waaqiciga ah xambaarsan ee gadaal ganacsi adag ka sameeyaan.

Sidaa darteed Aamir Star Power-kiisa halkii ugu sareeyay ayuu gaaray madaama haatan TOH fagta hore wax walbo cagta mariyay waana waxa lagu qiimeeyo inta badan awooda atooraha leeyahay fagta hore inuu filimka si waali ah u gadi karo kadib mashruuca inuu guuleesto ama guul dareesto waxay ku xiran tahay hadba sheekadiisa sida ay daawadayaasha kaga helaan.

One Response to Rasmi: Taran Adarsh iyo shirkada Yash Raj Films oo soo daabaceen in filimka TOH 50 Crore gaaray!!

  1. Zaki cade Reply

    November 9, 2018 at 11:32 am

    M.zakriye waxaan kaarabnaa sakay siduu kufurmay filimka thugs of Hindustan
    In aad inoo sheegto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *