RASMI; Taxanaha Hercai oo la joojiyay goormaa dib loo bilaabi doonaa? Miyuuse leeyahay Season 3aad?

0
4324

Taxanaha Hercai ayaa si Rasmi ah loo hakiyay in mudo ah ayadoo todobaadkaana uu qeyb kayahay kadib faafidiu Corona Virus.

Sida ay shaaca ka qaaday gabadha maalgaliso taxanahaan ee Panu Hercai ayaa mudo 3 todobaad la hakin doonaa waxaana la isku soo laaban doonaa dhamaadka bisha April hadii xaalada Corona wax iska badalaan.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in xalqadii ugu dambeysay ay aheyd dhamaadka Season 2 ayadoona xalqooyinka Seasonka ka dhiman la dhameystiri doonin si toosna loogu gudbi doono Season 3 oo bilaaban doono bisha September ee sanadkaan.

Warkaan dambe xaqiiqdiisa lama hubo hase yeeshee arinta la hubo ayaa ah in taxanaha Hercai la hakiyay in mudo ah ma jiri doonaan xalqooyin sidoo kalana ma jiri doonaan wax goos goos ah waxaana fasax lasiiyay shaqaalaha iyo kooxda Hercai duubeysay.

Arintaan ayaa kusoo aadeyso xili aan dhawaan idinla wadaagnay in taxanayaasha Turkiga la hakin doono in mudo ah ilaa xaalka sida uu haatan yahay wax iska badalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here