Rasmi: Tiger Zinda Hai iyo ganacsiga uu sameeyay isbuuciisa todobaad sedexda maalmood ee ugu horeyso

Filimka weyn Tiger Zinda Hai ee Mega Star Salman Khan iyo Katrina Kaif hogaamiye ka yihiin ayaa u suura gashay 50 Lakh ilaa 60 Lakh ganacsi u dhaxeeyo inuu sameeyo todobaadkiisa 7-aad sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Tiger Zinda Hai wuxuu ganacsi wacan ka sameenayaa gobolka Rajasthan iyo gobolo kale oo aan filimka Padmaavat laga daawaneyn waxaana muuqato in ganacsigiisa cimri ahaan ku istaagi doono 339 Crore.

Sababtoo ah laga bilaabo Jimcadaan filimo cusub oo is xiga ayaa tiyaatarada la saari doonaa weliba Jimcadaan Padman iyo Aiyaary ayaa tiyaatarada qeebsan doonaan taasi oo TZH ganacsigiisa soo idleyn doonto.

Waxaa cajiib ah in TZH oo filim Action ah 200-tiyaatar laga daawanayo asigoo todobaadkiisa todobaad ku guda jiro taasina waxay caddeyn u tahay jaceylka filimkana daawadayaasha u qaadeen inuu yahay mid aad u baaxad weyn.

Fadlan hoos kaga bogo TZH ganacsigiisa guud ee gudaha Hindiya halka uu haatan maraayo:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.34 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 10.87 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 5.81 Crore (Rasmi)

Todobaadka lixaad – 2.60 Crore (Qiyaas)

Todobaadka todbaad – 60 Lakh (mudo 3-maalmood ah) qiyaas ahaan

Wadarta Guud – 338.77 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)

2 Comments

  1. filimside filimkaan iyo dangal keebaa shacab badan daawadeen oo ladhi karaa waa filimka ugu weyn 10kan sano ee socda idinkoo mhdsan horena waan idiin weydiiyay marka idinkoo mhdsan iisoo jwba

    • Dangal ayaa shacab badan ama Hit ahaan weynin badan sxb mana isku dhawo laakiin waxaa wax weyn TZH oo Action ah inuu sidaan u gadmaayo weli.

Comments are closed.