Home » Box Office » Rasmi: Tiger Zinda Hai iyo Jimcadiisa 4-aad lacagaha uu keenay wuxuu ka wanaagsan yahay dhamaan filimada tiyaatarada ku cusub

Rasmi: Tiger Zinda Hai iyo Jimcadiisa 4-aad lacagaha uu keenay wuxuu ka wanaagsan yahay dhamaan filimada tiyaatarada ku cusub

Mega Star Salman Khan iyo Katrina Kaif filimkooda Tiger Zinda Hai ayaa ganacsi wacan sameeyay Jimcadiisa afaraad wuxuuna keenay 1.50 Crore (Trade Figure).

Tiger Zinda Hai wadarta guud haatan wuxuu marayaa 320 Crore (Trade Figure) waana filimka Salman Khan sameeyay midkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo ebid dhanka lacagaha nadiifka ah balse lacagaha canshuurta ka hor waxaa ka badan Sultan iyo Bajrangi Bhaijaan.

TZH wuxuu sameeyay 60% hoos u dhac ah Jimcadiisa afaraad waana astaan muujineyso in filimkaan si wanaagsan ku socdo welina waa dooqa kowaad ee daawadayaasha.

Inkastoo aflaanta cusub 3000 tiyaatar kala wareegeen filimka Tiger Zinda Hai hadana dhamaantooda maalintooda kowaad ganacsiga ay sameeyeen waxaa ka wanaagsan TZH oo Jimcadiisa afaraad ku jiro.

Fadlan hoos kaga bogo TZH ganacsiga uu sameeyay ilaa hada sida shabakada BOI soo daabacay:

Todobaadka Kowaad: 206.4 Crore (Rasmi)

Todobaadka Labaad: 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.10 Crore (Qiyaas ahaan)

Jimco afaraad – 1.50 Crore (Qiyaas ahaan)

Wadarta Guud: 320.05 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)

One Response to Rasmi: Tiger Zinda Hai iyo Jimcadiisa 4-aad lacagaha uu keenay wuxuu ka wanaagsan yahay dhamaan filimada tiyaatarada ku cusub

  1. Abdulaahi Yuusuf Reply

    January 13, 2018 at 11:26 am

    filimside idinkoo mhdsan waxaad noosoo gudbisan rikoorada gobalada uu lawareegay iyo kuwa lahubo inuu lawareegi doono gaar ahaan gobolka mumby

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *