Rasmi: Tiger Zinda Hai iyo mudo 5-todobaad ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Tiger Zinda Hai ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa shanaad wuxuuna keenay 5.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Tiger Zinda Hai ganacsiga uu sameeyay todobaadkiisa shanaad wuxuu kaalinta todobaad kaga galay filimada todobaadkooda shanaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen.

Waxaa cajiib ah in TZH todobaadkiisa shanaad uu ka ganacsiga badiyay filimada fariimaha arimaha bulshada xambaarsan sida PK iyo Bajrangi Bhaijaan laakiin Dangal iyo Baahubali 2 ayuu isaga ka ganacsi hooseeyaa todobaadkiisa shanaad.

TZH kaliya 50% hoos u dhac ayuu sameeyay ganacsigiisa todobaadka shanaad marka lala bar bar dhigo todobaadkiisa afaraad ganacsiga uu sameeyay wuxuuna noqday filim Action ah midkii ugu horeeyay ee sidaan heerka ah u gadmo todobaadyo kala duwan.

Tiger Zinda Hai mudo shan todobaad ah wadarta guud gudaha Hindiya wuxuu kasoo xareeyay 335.50 Crore (Trade Figure).

TZH waxaa ku adkaan doonto inuu gaaro lacagaha filimka PK oo ah 338 Crore madaama filimka weyn Padmaavat uu tiyaatarada badankooda la wareegay.

Fadlan hoos kaga bogo TZH mudo shan todobaad ah ganacsiga uu sameeyay:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.34 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 10.87 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 5.75 Crore (Qiyaas ahaan)

Wadarta Guud – 335.41 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)