Home » Box Office » Rasmi: Tiger Zinda Hai iyo mudo 7-isbuuc ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Rasmi: Tiger Zinda Hai iyo mudo 7-isbuuc ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai wuxuu keenay 80 Lakh (Trade Figure) isbuuciisa 7-aad taasi oo ka dhigan in wadarta guud filimkaan haatan maraayo 339 Crore (Trade Figure).

Tiger Zinda Hai gabi ahaanba tiyaatarada wuu ka dagi rabaa wuxuna ganacsigiisa ku darsan doonaa Lakhs kooban madaama Padman tiyaatarada la wareegay sidoo kalena horey Padmaavat loo daawanayay.

Tiger Zinda Hai wuxuu noqday filimka sedexaad ee lacagaha nadiifka ah ugu badan soo xareeyo kaliya Baahubali 2 iyo Dangal ayaa ka badan sidoo kalena waa filimka afaraad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo canshuurta ka hor (Gross Money) waxaana ka badan Baahubali 2, Dangal iyo PK.

Marka laga hadlaayo TZH iskoorada uu gobolada la wareegay inta badan bariga Hindiya gobolada ku yaalo oo dhan iskoorada lacagta wuu la wareegay marka Baahubali 2 aan xisaabta lagu darin.

TZH ganacsi ahaan wuxuu filimada Dangal, Bajrangi Bhaijaan iyo PK ku garaacay gobolada West Bengal, Bihar, Assam iyo Odisha. waana guul kale oo uu filimkaan Action-ka ah gaaray madaama sedexda filim ee kala yihiin kuwo fariin arimaha bulshada xambaarsan.

Fadlan hoos kaga bogo TZH ganacsiga uu sameeyay mudo 7-isbuuc ah gudaha Hindiya sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.34 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 10.87 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 5.81 Crore (Rasmi)

Todobaadka lixaad – 2.60 Crore (Qiyaas)

Todobaadka todbaad – 80 Lakh (Qiyaas)

Wadarta Guud – 338.97 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)