Rasmi: TZH ganacsiga uu sameeyay todobaadkiisa lixaad Bye Bye PK

Mega Star Salman Khan filimkiisa TZH ayaa ganacsjganacsi adag sameeyay todobaadkiisa lixaad wuxuuna keenay 2.60 Crore.

TZH todobaadka lixaad wuxuu ganacsi ahaan ka badan yahay wadarta Dangal iyo Bajrangi Bhaijaam ganacsiga ay sameeyeen todobaadkooda lixaad!

Waa arin naadir ah in filim Action ah sidaan ganacsi waali ah u sameeyo todobaadkiisa lixaad.

Taariikhda fanka Hindiya filimo fariintooda Action ku dheehan tahay oo Boxoffice ka mudo dheer iska saarnaa waxaa ka jiraan Sholay iyo Gadar.

Sidaa darteed TZH darajo aad u weyn ayuu gaaray madaama Action heerkan gaaray dhawaanahan la arkin.

TZH mudo lix todobaad ah wadarta guud wuxuu keenay 338.17 Crore asigoo ka talaabsaday filimkii PK oo 2014 keenay 337.73 Crore.

TZH oo hada si rasmi ah wuxuu u noqday filimka sedexaad lacagaha ugu badan soo xareeyo kadib Baahubali 2 iyo Dangal weli wuu sii socon doonaa asigoo 1 Crore ganacsigiisa kusii darsan doono todobaadyada u harsan.

2 Comments

Comments are closed.