Rasmi: TZH iyo sabtigiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay darajada 300 Crore ayuu gaaray

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai ayaa si rasmi ah u gaaray darajada 300 Crore kadib markii sabtigiisa sedexaad uu ganacsi wacan sameeyay.

TZH ayaa keenay 5.50 Crore ilaa 5.75 Crore sabtigiisa sedexaad sida ay shabakada Boxoffice India soo daabacday wuxuuna sameeyay 50% sare u kac ah marka lala bar bar dhigo Jimcadiisa labaad ganacsiga uu sameeyay.

TZH haatan wuxuu ku ganacsi yahay Sultan oo sanadii 2016 300 Crore soo xareeyay sidoo kalena Salman Khan hogaamiye ka ahaa sida hada muuqatana TZH ganacsigiisa 325 Crore ilaa 330 Crore inuu ku istaagi doono ayay u badan tahay sadaal ahaan.

Hubaal ahaan TZH wuxuu noqon doonaa filimka Salman sameeyay ee lacagaha ugu badan soo xareeyo dhanka Boxoffice asigoo darajadaas kala wareegi doono Bajrangi Bhaijaan oo haatan 316 Crore soo xareeyay sanadii 2015.

Fadlan hoos kaga bogo TZH ganacsiga uu sameeyay ilaa iminka oo aan shabakada BOI kasoo xiganay:

Todobaadka Kowaad: 206.4 Crore (Rasmi)

Todobaadka Labaad: 85.50 Crore(Qiyaas)

Jimcihiisa Sedexaad: 3.50 Crore (Qiyaas Ahaan)

Sabti Sedexaad – 5.50 Crore (Qiyaas ahaan)

Todobaadka sedexaad – 9.25 Crore (mudo 2-maalmood ah)

Wadarta Guud: 300.54 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)

5 Comments

    • Maya sidaas lama dhihi karo iskoorada gobolada Hindiya dhanka lacagaha 50% ka badan marka uu la wareegi ayuu All Time Blockbuster noqon karaa waana arin la filaayo inuu sidaas sameeyo.

    • Walaalkeen, warbixinta waa la aqriyaa inta aadan dadka qalad ka galin.
      500 Crore waa isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.
      300 Crore wuxuu gaaray gudaha Hindiya lacagaha nadiifka ah ee uu kasoo xareeyay.
      Marka waad noo gaftay, adigana Allaha kugu dambi dhaafo madaama aad beenayaal nagu tilmaantay.

Comments are closed.