Rasmi: TZH iyo Talaadadiisa sedexaad lacagaha uu gudaha Hindiya ka keenay

Tiger Zinda Hai ayaa keenay 2.50 Crore (Trade Figure) Talaaadiisa sedexaad wuxuuna haatan wadarta guud ganacsigiisa ku dhow yahay 315 Crore (Trade Figure).

Tiger Zinda Hai  maanta ayuu dhaafi doonaa ganacsiga filimka Bajrangi Bhaijaan asigoo noqon doono Mega Star Salman Khan filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay ebid waa lacagta nadiifka ah ama canshuurta kadib.

Balse Tiger Zinda Hai shaqo ayaa hortaalo si uu u noqdo Salman Khan filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay canshuurta ka hor (Gross Money) waxaana weli hogaanka u haayo Bajrangi Bhaijaan oo 25 Crore dheer TZH marka laga hadlaayo lacagaha canshuurta ka hor lasoo xareeyay.

TZH todobaadkiisa sedexaad ganacsi ahaan wuxuu keeni doonaa 27 Crore asigoo noqon doono filimka 7-aad ee lacagaha ugu badan todobaadkiisa 7-aad soo xareeyo laakiin TZH darajada aflaanta Action-ka ah ayuu la wareegay wuxuuna ka talaabsaday Dabangg (2010) oo todobaadkiisii 7-aad keenay 17.50 Crore.

TZH sidoo kale wuxuu kusii dhawaanayaa ganacsigiisa inuu 100 Crore Mumbai kasoo xareeyo wuxuuna darajadaan gaari doonaa dhamaadka todobaadkiisa afaraad sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Fadlan hoos kaga bogo TZH ganacsiga uu sameeyay ilaa haatan ee shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka Kowaad: 206.4 Crore (Rasmi)

Todobaadka Labaad: 85.41 Crore (Rasmi)

Jimcihiisa Sedexaad: 3.75 Crore (Qiyaas Ahaan)

Sabti Sedexaad – 5.50 Crore (Qiyaas ahaan)

Axad sedexaad – 8.25 Crore (Qiyaasta ahaan)

Isniin Sedexaad- 2.75 Crore (Qiyaas ahaan)

Talaado Sedexaad – 2.50 Crore (Qiyaas ahaan)

Todobaadka sedexaad – 22.75 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud: 314.23 Crore (Trade Figure) (Qiyaasta ahaan)

4 Comments

    • Walaal wuxuu All Time Blockbuster ku noqon karaa 50% iyo ka badan marka uu iskoorada gobolada Hindiya la wareego ilaa haatana 13-ka gobol wuxuu la wareegay dhanka iskoorada ku dhawaad 5-gobol wuuna ku socdaa siduu uu ATB ku noqon lahaa.

    • Maya weli waaye 100 Crore ayuu hada ku dhow yahay wuuna gaaraa Dangal oo 104 Crore Mumbai kasoo xareeyay

Comments are closed.