Rasmi: TZH mudo 17-maalmood ganacsiga uu sameeyay iskoorada gobolada uu la wareegay iyo sidauu ATB ku noqon karo

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai ganacsiga uu sameeyay mudo 17-maalmood waxaa si rasmi ah usoo bandhigtay shabakada Boxoffice India (BOI).

TZH ayaa keenay 17.50 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa sedexaad mudo sedex maalmood ah wadarta guud mudo 17-maalmoodna wuxuu soo xareeyay 309 Crore (Trade Figure).

Tiger Zinda Hai Gobolada Uu Iskoorka Lacagaha La Wareegay: Sida shabakada BOI cadeesay TZH wuxuu haatan la wareegay iskoorka lacagaha gobolada Bihar, Assam iyo Odisha waa hadii Baahubali 2 aan xisaabta lagu darin oo aflaanta Hindiga ah kaliya laga hadlo.

Sidoo kale TZH wuxuu ku socdaa inuu 100 Crore kasoo xareeyo Mumbai madaama uu haatan 95 Crore halkaas ka keenay mudo 17-maalmood ah asigoo noqon doono filimka 4-aad ee 100 Crore Mumbai kasoo xareeyo kadib Baahubali 2, Dangal iyo PK.

TZH sidoo kale fursad ayuu u heestaa inuu iskoorka lacagaha filimada Bollywood-ka kala wareego magaalada Mumbai filimada Dangal iyo PK oo halkaas 104 Crore kasoo xareeyeen.

TZH Siduu All Time Blockbuster (ATB) Ku Noqon Karaa: TZH hada 3-gobol ayuu iskoorka lacagaha filimada Bollywood-ka kala wareegay taasi oo ka dhigan 13-ka gobol ee lacagaha filimada la isku raacsiiyo sedex ka mid ah dhanka iskoorka inuu la wareegay ama 23% ayuu iskoorka gobolada la wareegay.

TZH waxaa laga rabaa 50% iskoorada lacagaha gobolada inuu la wareego waana arin uu sameyn karo marba hadii gobolka ugu weyn ama suuqa ugu muhiimsan Mumbai uu iskoorka lacagaha la wareegi doono inta kalena badankooda wuu la wareegi karaa.

Fadlan hoos kaga bogo TZH mudo 17-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay lacagaha nadiifka ah:

Todobaadka Kowaad: 206.4 Crore (Rasmi)

Todobaadka Labaad: 85.50 Crore(Qiyaas)

Jimcihiisa Sedexaad: 3.50 Crore (Qiyaas Ahaan)

Sabti Sedexaad – 5.50 Crore (Qiyaas ahaan)

Axad sedexaad – 8.25 Crore (Qiyaas ahaan)

Todobaadka sedexaad – 17.50 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud: 308.95 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)

TZH labo arin ayuu haatan racadeesanayaa mudada uu tiyaatarada saarnaan doono oo ah inuu gaaro lacagaha guud canshuurta ka hor (Gross Money) ee filimka Bajrangi Bhaijaan soo xareeyay oo ah 422 Crore iyo lacagaha nadiifka ah canshuurta kadib (Net Money) ee filimka PK soo xareeyay 338 Crore, waxaana la ogaan karaaa 7-maalmood ee nagu soo fool leh inuu labadan arin ee uu hiigsanayo wada gaari karo, midkood gaari karo ama uusan gaari karin.