Rasmi Varun Dhawan Iyo Anushka Sharma Filmkooda Sui Dhaaga Oo La Ogaaday Xiliga Duubis Lagu Bilaawayo!!

Varun Dhawan Iyo Anushka Sharma ayaa markii ugu horeysay wada shaqeyn doonan ayagoo kasoo muuqan doono filmka sheekadisa qalbiga qofka taabaneysa ee Sui Dhaaga – Made in India.

Waxaa filmkaan Director ka ah Sharat Katariya halka uu maalgaliye ka yahay Maneesh Sharma hadaba Varun oo maanta galinkii hore baraha bulshada kujiray aya mid kamid ah taagerayaashisa Sual kuweydiyay baraha bulshada.

Suaashas oo aheyd sida tan,”Varun Dhawan goorme la bilaawa duubista filmkaada Sui Dhaaga – Made in India oo ay kula jileyso Anushka Sharma?”

Varun ayaa u jawaab celiyay shaqsigaas taageraha u ah wuxuun a si fudud ku yiri,” Bisha Feb ee sanadka dambe.”

Taasi waxay marag ma doonta u tahay in filmkaan sheekadiisa qalbiga taabaneysa la bilaawi doono duubistiisa sanadka xiga bilawgiisa.

 

1 Comment

Comments are closed.