Director Raj Mehta siweyn ayaa loogu amaanay fariintiisa filimka Good Newwz ee sanadkii hore dhamaadkiisa soo baxay wuxuuna noqday Super Hit weyn ayadoo ay hogaamiyaal ka ahaayaan Akshay Kumar, Kareena Kapoor Khan, Kiara Advani iyo Doljit Dosanj waxaana soo saare ka ahaa Karan Johar.

Haatan Director Raj Mehta wuxuu si rasmi ah shaaca kaga qaaday in filimkiisa xiga hogaamiyaal ka noqon doonaan Varun Dhawan iyo Kiara Advani sidoo kale mashruucan Karan Johar ayaa soo saare ka ah waana filim jaceyl iyo shactiro isku jiro sidoo kalena Varun iyo Kiara lamanayaal ku matali doonaan.

Waxaa horey loogu waday Varun iyo Kaira inay wada sameeyaan filimka Mar. Leela ee Shashank Khaitan Director ka noqon lahaa halka Karan Johar maal galin lahaa balse mashruucan wuxuu noqday mid meel la iska dhigay waxayna Varun iyo Kiara wada saxiixdeen filimkan oo Raj Mehta agaasimi doono.

Varun Dhawan waxaa u diyaarsan filimka Coolie No.1 oo Sara Ali Khan la jileyso halka Kiara Advani mashaariic kala duwan gacanta ku heesato sida Laxmi Bomb oo ay Akshay la jileyso, Shershaah oo ay Sidharth Malhotra isla wadaan iyo filimka Bhool Bhullaiya oo ay Kartik Aaryan isla wadaan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here