Tamil Star Vishal filimkiisa xiga ee Action-ka ah sidoo kalena xarakaadka ka marneyn lagunna magacaabo Action ayaa shaaca laga qaaday xiliga la daawan doono waxaana la jilayaan labada atirisho ee kala ah Tamannaah Bhatia iyo Aishwarya Lekshmi.

Filimka Action oo uu Director ka yahay Sundar C waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay in la daawan doono 10-ka October 2019 ama bisha dambe ee nagu soo fool leh waxaana lasoo idleeyay duubistiisa ayadoo dhawaan lasoo bandhigi doono goos gooskiisa kadibna xayeysiin balaaran ayaa loo sameyn doonaa.

Vishal filimkiisii ugu dambeeyay Ayogya ganacsi ahaan heerkii laga filaayay ma uusan gaarin wuxuuna markaan ku kalsoon yahay in mashruuciisa cusub Action daawadayaasha ka heli doonaan. Sidoo kale filimka Action waxaa doorar muhiim ah ku leh jilaayaasha ay ka mid yihiin Yogi Babu, Chaya Singh, Akanksha Puri iyo Ramki.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here