Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa Sabtigiisa sedexaad keenay 4.25 Crore waxayna ka dhigan tahay mashruucan haatan inuu soo xareeyay 279.50 Crore (Trade Figure) sidaasna ku noqday filimka sanadkan 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyay oo ay Bollywood-ka sameeyeen asigoo dhaafay Kabir Singh oo horey u keenay 276 Crore.

War mudo 18-maalmood ayay ku qaadatay inuu ku noqdo 2019 filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo haatana waxaa la wada eegi doonaa darajada 300 Crore inuu gaari karo ama uu ka gaabin doono madaama ay kaga harsan tahay 20.50 Crore balse filimkan waqti badan ma heesto waayo Jimcadan filimka Housefull 4 ayaa tiyaatarada la wareegayo si uu War darajadan u gaaro waa inuu ganacsi sii sameeyaa marka Housefull 4 masraxa la wareego.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 18-maalmood ah iyo filimka War lacagaha uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) waxaana laga hadlaa nidaamka lacagaha nadiidka ah ee luqada Af Hindiga kaliya lagu daawaday:

Todobaadka kowaad – 226.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Todobaadka labaad – 46 Crore

Jimco sedexaad – 2.75 Crore

Sabti sedexaad – 4.75 Crore

Todobaadka sedexaad – 7.50 Crore (mudo 2-maalmood ah)

Wadarta Guud – 279.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here