Rasmi; xiliga la daawan doono taxanaha ugu weyn Turkiga ee Kurulus Osman ayaa lagu dhawaaqay iyo wax walba oo aad taxanahaan uga baahantahay.

0
1046

Waxaa shalay lasoo bandhigay goosgooska koowaad ee xalqada koowaad taxanaha Kurulus Osman ahna seasonka 5aad ee taxanaha Dirirlis Ertugrul kaasoo looga hadlaayo aasaasidii dowlada Cusmaaniyiintan.

Taxanahaan oo uu Season 5 hogaamiye kayahay jilaaga ugu caansan turkida waqtigaan la joogo ee Burak Ozcivit ayaa waxaa lagu dhawaaqay in maalinta uu sida rasmiga usoo gali doono ay noqon doonto maalin arbaco.

Taxanahaan ayaa xalqadiisa koowaad lasii deyn doonaa 20ka bisha 11aad oo ah bisha haatan socoto taasoo ku beegan arbacadaan arbacadeeda kale adigoona live uga daawan kartid kanaalka turkida ee ATV sidoo kalana youtube ayaad kala socon kartaa.

Taxanahaan ayaa ah taxanaha ugu miisaaniyada culus dhamaan taxanayaasha turkida waxaana jiliinkiisa qeyb ka ah boqolaal jilayaal ah asigoo uuna jilaaga hogaamiyaha ka ah taxanahaan ee Burak Ozcivit halkii xaqlo ku qaadan doonp 350k oo liiro taasoo ka dhigan in bishii uu ku qaadan doono lacag kabadan 1 Million oo liiro turki ah.

Sheekada taxanahaan ayaa ku saabsanaan doonto nolosha aasaasihii dowlada Cusmaaniyiinta ee Cusman bin Ertugrul waxaana doorkaas jili doono Burak Ozcivit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here