Home » Wararka Maanta » Rasmi: Yamla Pagla Deewana Phir Se oo lagu dhawaaqay in 15 Aug la daawanayo aragtida kowaad Reer Deol Vs Akshay

Rasmi: Yamla Pagla Deewana Phir Se oo lagu dhawaaqay in 15 Aug la daawanayo aragtida kowaad Reer Deol Vs Akshay

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay filimka shactirada iyo jah wareerka badan Yamla Pagla Deewana Phir Se in la daawan doono 15 Aug 2018 maalinta xurnimada Hindiya.

Waxaana aragtida kowaad filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se lagu soo xardhay muuqaalka Superstar Sunny Deol sidoo kalena hoosta waxaa looga qoray kaartada filimkan in berito oo Khamiis ah lasoo bandhigi doono goos gooska kooban (Teaser) sidoo kalena Jimcada lagu dhex daawan doono goos gooskan filimka Race 3 oo tiyaatarada la saarayo.

Reer Deol wey isku tashteen waxayna rabaan Dharmendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol oo is kaashanayaan inay 15-ka Aug 2018 Boxoffice-ka kula dagaalamaan Superstar Akshay Kumar oo wato filimka Gold.

Sunny Deol iyo doorkiisa Pagla ayaa lasoo hormariyay sawirka kowaad waxaan dugnaa waa Dharam iyo Bobby oo iyagana kaarto gaar ah laga soo bandhigi doono waxaana bilaabatay xayeysiin u sameynta filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se oo siweyn loo wada sugaayo.

Filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se sidoo kale waxaa muuqaal marti ah ku leh Salman Khan, Sonakshi Sinha, Rekha iyo Shatrunghan Singh oo hal hees kala soo muuqan doonaan reer Deol.

Waxaan sugnaaba waa sawirada xiga Dharam iyo Bobby laga soo bandhigi doono iyo goos gooska koobkan berito hawada lagu soo deyn doono insha Allah.