Ratinga taxana Hercia oo xalqadii xalay siweyn sare ugu kacday sidoo kalana noqday taxanaha loogu hadal heynta badanyahay.

0
1292

Taxanaha Hercai oo Season 3 bilowgiisa uu Ratingiisa ama daawashadiisa aad u hooseysay ayaa haatan si kis kis ah ugu soo laabanayo maqaamkiisa.

Hercai ayaa waxaa hoos u dhacay daawashadiisa gaar ahaan dhanka TVga oo ah meesha laga go’aamiyo hadii uu sii soconaayo ama joogsanaayo, balse haatan waxay u muuqataa in taxanaha sii socon doono ilaa dhamaadka Season 3 oo aan meel dhexe lagu hakin doonin.

Inuu hoos u dhaco taxana waxaa sabab u aheyd dhacdooyinka oo ahaa kuwa caajis badan iyo sheekada oo la dheereeyay ayadoona diirada la saarin marnaba siraha taxanaha, balse haatan wax walba wey is badaleen kadib markii xalqooyinkii ugu dambeeyay siro badan la kashifay haba ugu weynaato sirta ah in Miran uu ogaado Hazar inuu aabihiis yahay.

Xalqadii xalay waxay aheyd midii ugu fiicneyd Season 3 ayadoona Ratingeeda uu gaaray 5.56 Rtg sidoo kalana ku celiskeeda ayaa isna heer sare ahaa, halkaan hoose ka arag;

Sidoo kale Hercai wuxuu noqday taxanaha ugu hadalheynta badnaa waliba asigoo farqi lixaad leh ka sareeyay taxanaha kusoo xigay, halkaan hoose ka arag taxanayaasha ugu hadal heynta badnaa;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here