Ratinka taxanayaashii xalay shaashadaha TVyada la saaray iyo sida look ala horeeyo.

1
588

Waxaa dib u bilowday taxanayaashii turkida kadib mudo 3 bilood ah oo fasax lagu kala maqnaa anagoo dib u daawan doono taxanayaal badan oon horay ula soconay.

Hadaba taxanayaasha turkida waxay awood ahaan ku tiirsan yihiin lacagta ugu badana kasoo gashaa TVyada iyadoona habeen walba dhowr taxane la saaro xili todobaadkasta toos shaashadaha turkida looga siidaayo in kabadan 40 taxane, waxayna tani dhalisaa loolan dhanka daawadayaasha ah asigoo taxane kastana doonayo in kaalmaha hore galo ama ugu yaraan uusan dhulka galin isna celiyo si qarashaadka ka baxay dib ugu soo laabtaan.

Hadaba halkaan kaga bogo taxanayaashii xalay la daawaday iyo siduu ratinkoodu ahaa.

1-Mucize Doktor (dhakhtarkii mucjisada ahaa) waa taxane cusub oo xalqadiisa 1aad xalay la daawaday asigoona kasoo galo kanaalka Fox ratingiisana wuxuu ahaa 7.69 RBT wuxuuna kaalinta 1aad kaga jiray taxanayaashii xalay la daawaday iyo dhamaan barnaamijyada TVyada turkida xalay ka baxay.

2-Benim Tatli Yalanim. (beenteydii macaaneyd) wuxuu kasoo gala Star TV asigoona ratingiisa ahaa 3.62 RTB. Wuxuuna galay kaalinta 2aad halka dhamaan barnaamijyada TVyada turkida ka baxo ka galay kaalinta 5aad.

3-Sampiyon (halyey). Wuxuu kasoo gala TRT1 wuxuuna ratingiisa ahaa 2.80 waana xalqadiisii koowaad asigoona kaalinta sadaxaad taxanayaasha ka galay iyo kaalinta 7aad dhamaan barnaamijyada TVyada turkida.

FG. Ratinga taxanaha wax xiriir ah lama lahan sheekada taxanaha waxaana mararka qaar dhacdo in taxane sheeko macaan leh uu dhulka galo ratingiisa balse inta badan taxanayaasha sheekada fiican leh wey guuleystaan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here