Maanta oo kale 8 November sanadkii 1996 waxaa la daawaday Filimka dagaalka ah ee Ghatak kaaso Sunny Deol hogaamiyaha ka ahaa dadka Soomaalida qaar waxay u yaqaanaan 7-da wecel waa Filim Classic ah oo bandhiga Sunny marwalba lagu xusuusan doono.

Sunny Deol waxaa kaloo la jileen xidigaha kala ah Amrish Puri, Meenakshi Seshatri, Mukesh Rishi, Danny Denzongpa iyo kuwa kale oo badan xaqiiqooyin u gaar ah ayaa kasoo diyaarinay mashruucan maadama daawashadiisa 23 sano kasoo wareegatay.

Xaqiiqada 1-aad: Waa Filimkii ugu dambeeyay atiriishada caanka ah Meenakshi Seshatri ee bandhiga iyo jiliinka cajiibka lahaan jirtay wixii Filimkaan ka dambeeyay fanka oo dhan wey ka fariisatay.

Xaqiiqada 2-aad: Filimkaan markii hore waxaa atoore ka noqon lahaa Kamal Haasan oo waliba saxiixday balse kooxaha cajaladaha qeybiyaan ayaa Rajkumar Santoshi (Director-ka Filimka) kula taliyeen inuu la saxiixdo mashruucan Sunny Deol maadama uu waqtigaas isaga ahaa atooraha Filim iibin karo awoodna lahaa.

Xaqiiqada 3-aad: Howsha Filimkaan waxay bilaawatay 1990 markii Filimka Ghayal la dhameeyay howshiisa mudo 7 sano kudhowaad ayaana howshiisa la waday.

Xaqiiqada 4-aad: Mamta Kulkarni ayaa muuqaal marti ah kuleh Filimkaan waliba hees ayee ku leedahay Director Santoshi ayaana la saxiixday Mamta Filimkiisa China Gate kadib markuu ka helay sida ay heeskaas oga baxsatay.

Xaqiiqada 5-aad: Raveena Tandon ayaa mudo 10 maalmood ah duubtay Filimkaan hadana wey isaga baxday maadama Meenakshi booskeeda dib ugu soo noqotay sidaas ayaana Raveena looga kaaftoomay mida kalena doorkas Raveena raali kama ahen markii horeba.

Xaqiiqada 6-aad: Meenakshi Seshatro wey isaga baxday Filimkaan mar maadama Bollywoodka oo dhan ay nacday weyna ka fariisan rabtay fanka hindiya oo dhan balse Sunny Deol ayaa ka codsaday inee la dhameestirto howsha qabyada ah intii ay maqneed ayaaba 10 maalmoof Raveena lala sii heshiyay howshana waday Sunny markuu ogaaday Waxuu kooxda ku amray inee Raveena meesha ka saaraan Meenakshi oo soo laabatayna booskeeda loo daayo.

Xaqiiqada 7-aad: Dagaal ayaa ka dhex dhashtay Director Rajkumar Santoshi iyo atiriishada Meenakshi Seshatri maadama uu damcay gabadhaan iyada wey iska diiday xiriirkiisa iyo dalabkiisaba midaasna waxay kalifi rabtay in wada shaqeyntooda joogsato.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here