Home » Nolosha Jilaayaasha » Raveena Tandon Iyo Shilpa Shetty Oo Kaxun Maanta Inee Akshay Kumar Dartiisa Isku Dagaalen Hada Kahor!!

Raveena Tandon Iyo Shilpa Shetty Oo Kaxun Maanta Inee Akshay Kumar Dartiisa Isku Dagaalen Hada Kahor!!

Labadii atiirisho ee 90kii magaca iyo maamuska Bollywoodka ku yeeshteen ee Raveena Tandon Iyo Shilpa Shetty ayaa khaladkoodi banaanka soo dhigen kaaso ahaa inee hada kahor isku dagaalen Akshay Kumar dartiisa.

Sheekadan waxay soo bilaawatay markii Akki xiriirka ujaray Raveena sido kalena Shilpa kagaraacay hadana markii dambe Shilpa u meel cidlo ah kaga tagay kadib markii uu ugu dambeyn la aqal galay Twinkle Khanna.

Hadaba xidigahan oo ka qeyb qaadanayan bandhig Tv-yada ka baxa mudo kahor ayaa waxay banaanka keenen in ay hal khalad kawada simnaayen si kaftan kudheehanaay arinkaan usharaxeen.

Ilow kudhow halka uu showgan ka dhacayey ayaa wargeyska¬†leading tabloid usheegen sheekadan waxayna dhahen,”markii Raveena ay goobta keentay in nolosheeda ay khaladaad badan ay gashay sido kalena ay ka shalaaysay ayaa waxaa lashegay in ayadoo hadalka marku meshas marayo ay Shilpa iljabisay ama u baaqday Raveena si aysan waxyaabo badan meesha oga sheegin ama arin ufaagfaagin.

Hadaba Raveena ayaa hadalkii u rogtay ama kusoo gabagabeysay sidatan,”Khaladaadka waa wax laga simanyahay inkastoo waxyaabaha qaarkod marka aad sameyso hadana dib uxasuusato kaa qoslinayan sidaa ay tahay qofwalba nolosha khalad waa galaa aniga iyo Shilpa na sidaas si lamid ah khalad waan galnay waana ogtihiin waxaan kawado.”

Sida iska cad ayaa ah in Shilpa iyo Raveena soo afjareen dagaalkii xifaaltanka ahaa ee kadhaxeyay dhanka Akshay maadama ninka ay isku dagaalayen naag kale ka raacay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *