Sanadkii 1997 waxaa la daawaday Filimka dagaalka ah ee Ziddi kaaso uu hogaamiye ka ahaa Mega Superstar Sunny Deol kaaso awood ku heestay Bollywoodka xiligaas isla sanadkaas waxaa xiriir jaceyl ka dhaxeeyay lamaanaha caanka ah ee Akshay Kumar iyo Raveena Tandon.

Filimkaan intii la duubaayey labo xan waaweyn ayaa laga qoray midkoodna inuu run yahay ilaa hada lama oga bal aan idiin la wadaagno xanta kowaad maanta sido kale xanta labaadna ilaa caawa ilaa barri waansoo daabici doonnaa.

Sidaan inteena badan wada ognahau Filimka Ziddi waxaa kujira muuqaal Sunny Deol katiinafa hinduufa isku nikaaxsadaan uu soo qaadanaayo kadibna u xiraayo Raveena Tandon sidaasna ku guursanaayo markuu uxiro madaxana rinjiga u mariyo ayee u sujuudee Raveena seygeeda Sunny Deol.

Hindiga waxaa caado ka ah naagta inee ninkeeda u sujuudo si ay barako iyo duco kaga hesho waa dhaqan soo jireen ah filimkaana midaas ayaa lagu muujiyay aflaam badana waa lagu muujiay hadaba saxaafada ayaa muuqaalkaas xan badanka qortay.

Waxay dhaheen Akshay Kumar iyo Raveena si hoose ayee isku guursadeen oo ay isku nikaaxsadeen dadkana wey kawada qariyeen balse muuqaalkaas markii uu Akki daawaday wuu maseeray sidaas ayuuna ku furay Raveena Tandon.

Akshay Kumar markii hore Raveena ayuu si hoose ku qabay guri gooni ahna wada degenaayeen balse markuu ka maseeray oo ay usujuuday Sunny Deol wuu u dulqaadan waayey wuuna furay xaaskiisa ayaa la sheegay.

Sheekadan dadka Soomaalida ah xitaa dhexdooda wey ku faaftay dhanka kale waxaa la sheegay in Uur laheed Raveena balse markee kala tageen Akki ay iska doo riday ilmihii ay caloosha ku waday.

Lasoco Qeybta Labaad Akshay Kumar Oo Goobta Ziddi Lagu Duuubaayey Soo Weeraray Iyo Isaga Iyo Sunny Deol Waxa Kala Qabsaday…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here