Atirishada laga daba dhacay ee 90-maadkii Bollywood-ka awooda balaaran ku lahayd Raveena Tandon ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inay ayeeyo noqon doonto aadna ugu faraxsan tahay in nolosheeda waji cusub gali doonto.

Waxaa xusid mudan in sanadii 1995 Raveena Tandon sharciga u ansixiyay labada gabdhood ee lagu magacaabo Pooja iyo Chhaya hooyo u noqoto sidoo kalena ay korsato balse waxay si rasmi ah u guursaday shaqsiga aflaanta cajaladahooda qeybiyo lagu magacaabo Anil Thadani sanadii 2004 waxayna u dhashay wiil iyo gabbar lagu kala magacaabo Ranbir iyo Rasha.

Haddaba Raveena ayaa shaaca ka qaaday in gabadha ay soo korsatay Chhaya dhawaan hooyo noqon doonto iyadana sidoo kalena ay ayeeyo noqon doono waxayna tiri “Maxaa ka farxad badan inaan ayeeyo noqonaayo waayo gabadheyda Chhaya dhawaan ayay hooyo noqon doontaa waxaana u dhignay xaflad aan kusoo dhaweeneyno cunuga aan ayeeyada u noqonaayo sidoo kalena waan u duceenay si nabad ah inuu ifka ku imaado.”

Raveena ayaa sugi weesay inay ayeeyo noqon doonto waxayna sheegtay inay tirineyso maal maha kaga harsan gabadheeda inay dhasho ubadka ay caloosha ku siddo waxayna sheegtay aqbaartan inay dunida la wadaagi doonto marka Chhaya dhashay iyadana ayeeyo noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here