Atirishada laga daba dhacay Raveena Tandon ee 90-maadkii laga dambeyn jiray ayaa la sheegay inay kaalin adag ka qaadan doonto filimka weyn KGF Chapter 2 ee shirkada Kannada Koonfur Hindiya iska leedahay sidoo kalena Rocking Star Yash hogaamiye ka yahay.

Mashruuca KGF Chapter 2 oo duubistiisa si habsami ku dheehan u socoto waxaan horey idin kula wadaagnay in Superstar Sanjay Dutt laadar awood badan ku jilaayo haatana waxaa la ogaaday in Raveena Tandon ku matali doonto filimkan Ra’iisul wasaarihii hore Hindiya Indira Gandhi sidoo kalena waxaa la sheegay Raveena doorkeeda iyo midka Sanjay Dutt ku matalaayo flimkan ee Adheera loogu yeeraayo inuu ka dhaxeeyo xiriir qarsoon.

Prashant Neel oo Director ka ah KGF Chapter 2 ayaa sheegay in Raveena door adag ku leedahay sidoo kalena u cadaalad fali doonto matalaada shaashada nolosha Indira Gandhi oo ahayd Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay Hindiya ee haweeneey ah sidoo kalena toogasho lagu dilay October 1984.

Filimka KGF Chapter 2 waxaa lagu daawan doonaa luqadaha Kannada, Telugu, Tamil, Malayalam iyo Hindi qorshahana wuxuu yahay bisha April 2020 gudaheeda in la daawado waana mid ka mid ah aflaanta ugu waa weyn ugu hadal heynta badan ee fanka Hindiya sanadka dambe la imaan doonaan.

Waxaan wada xasuusanaa wacdarihii uu dhigay filimkan qaybtiisii kowaad KGF Chapter 1 kaasi oo All Time Blockbuster noqday sidoo kalena wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay shirkada Kannada ee gobolka Karnataka ka jirto oo 200 Crore ganacsi sare u dhaafayo dibad iyo dal soo xareeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here