Mass Maharaja Ravi Teja filimkiisii ugu dambeeyay Disco Raja wuxuu ka noqday mashruuc bur buray kaasi oo 24-kii Janaayo 2020 la daawaday balse wuxuu diyaar u yahay taageerayaashiisa inuu hilmaansiiyo fashilkii Disco Raja madaama goos goos kooban oo holac ah laga soo bandhigay filimkiisa cusub ee lagu magacaabo Krack.

Inaba caadi ma ahan goos gooska kooban filimka Krack laga soo bandhigay Ravi Teja xarako iyo awood ayuu shaashada la yimid wuxuuna filimkan ku matalaa door askari awood badan sidoo kalena Shruti Haasan ayaa atirisho kowaad ka ah mashruucan oo muuqaalkan kooban kasoo muuqatay.

Director Gopichand Malineni filimkiisa Krack wuxuu u doortay in la daawado 8 May 2020 wuxuuna goos gooskan kooban ee 1-daqiiqo & 11-ilbiriqsi soconaayo usoo bandhigay in qolyaha cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh lagu tuso saameynta mashruucan leeyahay iyo Ravi Teja inuu diyaar u yahay soo rogaal celin adag inuu sameeyo.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban filimka Krack ee Telugu ama Tollywood ah waa hubaal inaad ka heli doontid xarakaadka xad dhaafka ah ee Ravi Teja sameenayo iyo sida guud qaabka fariinta filimkan loo dhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here