Mass Maharaja Ravi Teja wuxuu ku jiraa waqti badan madaama in mudo ah filim HIT noqday uusan sameynin sidoo kalena mashruuciisii ugu dambeeyay Disco Raja ee bilawgii sanadkan soo baxay wuxuu ka noqday mid ganacsi ahaan bur buray daawadayaashana iska diideen sheekadiisa.

Haatan Ravi Teja wuxuu ku hawlan yahay oo uu juhdi badan galinayaa filimkiisa xiga ee lagu magacaabo Crack waxaana atirisho kowaad ka ah Shruti Haasan qorshahana wuxuu yahay 1 May 2020 in la daawado waana filim Action ah oo Ravi ku jilaayo askari mayal adag sidoo kalena xarakeen doono.

Arinta xiisaha badan ayaa ah in dhawaan Ravi Teja maxaabiis ku xiran xabsiga dhexe ee lagu magacaabo Rajahmundry toos ula fal galay xili uu duubayay muuqaalo muhiim ah oo filimkiisa Crack qayb ka ah waxayna maxaabiista aqbaleen inay filimkan kasoo muuqdaan waxayna abuurtay arintan hadal heyn xoogan.

Filimka Crack haatan 80% waa la duubay wuxuuna Director Gopichand Malineni sheegay in duubista filimkan dhawaan lasoo idleyn doono marka xayiraada saaran shirkada aflaanta sameeyaan laga qaado madaama Hindiya Coronavirus la tacaalayaan shaqooyinka filim jilista waa la joojiyay xitaa tiyaatarada ma furno ilaa 31-bishan Maarso wey xirnaan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here