Mass Maharaja Ravi Teja ayaa ka farxiyay taageerayaashiisa madaama uu la wadaagay marka ay xaalada caadi kusoo laabato in ku dhawaad 4-filim uu hogaamiye ka yahay la daawan doono ilaa dhamaadka sanadka dambe sidoo kalena wadada guulaha kusoo laaban doono madaama dhawaanahan aflaanta uu sameenayay badankooda ganacsi ahaan guul dareesanayeen ama aan tiyaatarada lagu soo dhaweynin.

Ravi Teja iyo Shruti Haasan filimkooda Krack oo uu Director ka yahay shaqo ahaan waa gabo gabo waxaana Director ka ah Gopichand Malineni wuxuuna Superstar-kan diiday in filimkiisa si Online ah loo daawado asigoo sugaayo tiyaatarada dib loo furo si dhamaadka sanadkan loo daawado filimkan uu booliska ku jilaayo.

Dhawaan wuxuu Ravi Teja duubis ku bilaabi doonaa filim uu Director ka yahay saaxiibkiis Ramesh Varma oo horey ugu sameeyay filimkii hirgalay Veera waxaana lagu kalsoon yahay in mashruucan horaanta 2021 la daawan doono madaama shaqadiisa bisha September bilaaban doonto.

Sidoo kale Ravi Teja wuxuu heshiis la gaaray Director Trinadh Rao Nakkina inuu u sameeyo filimkiisa xiga oo Action ah mashruucana weli laguma soo darin jilaayaal kale waana filim weyn oo miisaaniyad xoogan xambaarsan.

Waxaa intaas u dheer Superstar-kan inuu aqbalay ka mid noqoshada hogaamiyaasha filimka Malayalam-ka ah Ayyappanum Koshiyum ee dib loo sameenayo asigoo Telugu ah waxayna isla jili doonaan Venktesh.

Ugu dambeyntii Ravi Teja wuxuu la shaqeyn doonaa Director Vakkantham Vamshi oo horey ugu sameeyay filimkiisa hirgalay Kick waxayna ka dhigan tahay in Superstar-kan 5-filim waa weyn soo wado waana arin ay siweyn ugu farxeen taageerayaashiisa oo jecel marwalbo inuu shaashada ku mada daaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here