Waa run in Akshay Kumar hadal heynta Filimka Ajinabee la wareegay qaab jiliin ahaana la amaano abaal marina ku qaatay balse waxaa Bobby Deol sharaf u ah inuu hogaamiye ka yahay filim Akshay aqoonsi siyaado ku helay.

Waayo Kumar xiligaas xidig ayuu ahaa balse Ajinabee aqoonsi siyaado ayuu ku helay iyo abaal marin qaali ah sido kale xaalad xun ayuu kujiray guul filimna wuu u baahna xiligaasna Bobby Deol ayee muqaayada ushidneed awood weyna lahaa.

Lama xaqiri karo bandhiga SRK ee uu Darr ku muujiyay iyo sida uu shacbiyad waali ugu helay doorkiisa waxaase xaqiiq ah awooda Sunny Deol inuu fagta hore ku gadmay filimkaas sidaa aawged maanta Sunny waxuu ku faana inuu hogaamiye ka ahaa Filim SRK aqoonsi weyn ku helay.

Filimka Humraaz waxaa dhanwalba iska leh Bobby Deol balse Akshaye Khanna aqoonsi fiican ayuu kusii helay doorkiisa Negative Role-ka iyo abaal marin wuuna u baahna xiligaas markale Bobby wuxuu u kala kiciyay atoore ay ka daadsaneed.

Hogaaminta door ahaan iyo awooda lagu iibiyay Sholay waxaa iska leh Dharmendra xiligaasna Amitabh Bachchan shacbiyadii uu rabay ma uusan heysanin.

Balse xidig ayuu ahaa sidaa aawged muuqaalka dhamaadka geerida ee Sholay waxuu Big B ku helay aqoonsi caalami ah iyo shacbiyad waali ah wixii markaas ka dambeyay Superstar deg deg ayuu noqday.

Reer Deol qaab jiliinka ah hadal heynta ama saameynta door ahaan dhanka daawadayaasha waa laga dulqaadi karaa lkn awoodooda ayaa lagu faaiday waana qoyska ugu awooda badan fanka hindiya waligoodna la buun buunin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here