Boqolaal qof ayaa maalin walba shaqo kasoo doontaan shirkada Bollywoodka ee Aflaamta hindiga ah sameeyso balse inta calaf u yeelata ayaa hesho magaalada Mumbai-na Bollywoodka caasimadiisa waaye iyo saldhigooda.

Waxaa jiraan jilayaal Bollywoodka katirsan oo waalidkod shaqadan Raali ayagoo ka ahen soo galeen xidigona noqdeen sababtana waa inee xirfado kale la rabeen caruurtooda halkii ay jilayaal noqon lahaayen.

Shaqsiyaad Aamir Khan Kangana Ranaut iyo Deepika Padukone kamid yihiin ayaana kusoo galeen Bollywoodka go’aankooda iyo madax adeegooda bak hoos kaga bogo liiskan oo 5 jilaa kaliya lagu soo koobay hubaal ahaana ka badan tirada intaas la eg.

Neha Dhupia:xidigtaan waalidkeed askariyad ayee la rabeen inee noqoto balse indha adeegeeda ayee Bollywoodka kutimid markii dambena wey isaga ogolaadeen.

Neha Dhupia

Sushant Singh Rajput: kuliyada Injineerinka asagoo baranaayo meel dhexana u mareyso ayuu kasoo tagay Bollywoodkana yimid xili waalidkiis la rabeen inuu waxbarashadiisa siiwato.

Sushant Singh Rajput

Kangana Ranaut: waxay afkeeda ku sheegtay in waalidkeed la rabeen dhaqtarnimo maantana waa atiriisho laga heybeysto oo aan lala murmi karin.

Kangana Ranaut

Aamir Khan: jilaagan aabihiis waxuu la rabay inuu Injineer noqdo laakiin isaga atoore ayuu jeclaa tiisa ayaana hirgashay maantana Mr.Prefectionist.

Aamir Khan

Deepika Padukone: aabahed waxuu ahaa ciyaaryahan ciyaara Badminson-ka ciyaarta la dhaho gabadhiisana sidaas ayuu la rabay laakiin markee ku madax adeegtay Bollywoodka wuu iska dhaafay.

Deepika Padukone

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here