Reyyan iyadoo khabaar moog ah ayaa la fadeexeeyay oo ay dadka agtooda ka dhimatay balse ninkii fadeexadaas ka masuulka ahaa ayay jeclaatay.

0
6901

Waa markale iyo barnaamijkeenii aan uga hadleynay shakhsiyaadka ugu saameynta badan taxanaha Hercai waxaana qeybtaan kusoo qaadan doonaa atariishada taxanaha ee Reyyan Sadoglu.

Reyyan ugu horeyn sida Miran oo kale ayadana waa khabaar moog waayo ma oga in Hazar aabaheeda uusan aheyn mana oga in Miran uu Hazar dhalay.

Reyyan waa gabar iska bari ah jaceyl ugub ah ayaa galaayo markuu Miran soo doonto balse fadeexadii aduunka ayaa ka raaci doonto.

Waxaa lagu fadeexeynaa magaalada dhexdeeda ayadoona waliba qoyskeeda xitaa go’aansanayaan iney dilaan fadeexadaas darteed ayagoo og iney bari tahay misna wax dambi ah suubinin.

Reyyan intaas loogama harine jaceylkeedii ayaa lagu sii imtixaamaa waayo Miran oo ah ninka dhibkaan iney ku dhacdo ka dambeeyay oo qoyskeedana cadow ka ah ayay jeclaanee waana arin dhibaato ah.

Inkastoo bilowga ay Reyyan is adkeyn doonto iskuna dayi doonto iney jaceylka Miran iska ilowdo oo iska caabiso balse ugu dambeyn jaceylka ayaa ka tan badinaayo taasoona keeni doonto iney Miran guursato waliba qasriga cadowgeeda ku noolaato.

Reyyan dhibkasta oo soo gaaray way laqeysaa waxayna muhiimada koowaad siineysaa jaceylkeeda iyadoona hadafkeeda yahay iney xaqiiqda ayaydiisa tusto oo uu ogaado ineysan aheyn sida uu moodaayo.

Reyyan sadax dhimbilood ayay u dhaxeysaa oo midi ay u dhawaaba gubi doonto mid waa qoyskeeda reer Sadoglu oo qaarkood aysanba jecleyn sida oday Nasuh oo og ineysan gabadhiisa aheyn, Yaariin oo Reyyan ka maseersan,  dhimbasha labaad waa Aziiza oo dooneyso in Reyyan ka takhalusto waayo Aziiza jaceylka Reyyan iyo Miran waxay u aragtaa caqabada hortaagan aargoosigeeda.

Dhimbasha sadaxaadna waa Miran oo doonayo inuu abaheed ka aarsado maadaama uu aaminsanyahay in Hazar hooyadiis dilay.

Isku soo wada duuboo Reyyan waa mid kamid ah dadka ugu badan ee taxanaha lagu dulmiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here