Wixii la sugaba ugu dambeyn waxaa lasoo bandhigay goos gooska 1aad ee xalqada 37aad taxanaha Hercai. Hadaba dhacdooyinkiisa xiisaha leh halkaan hoose kaga bogo.

-Goos gooska ayaa ka bilaabanaayo Reyyan oo Miran kuleh “ma waxaad u maleysaa in wax fudud agteyda ka tahay? Arintaan wax xiriir kulama lahan adiga (yacni waa dhibaato gooni ii heysato) balse waxaan u baahnahay inaan kaligey waqti qaato”.

-Miran ayaa markaas ku jawaabayo: “Aniga ma awoodo inaan neefsado (noolaado) anoo adiga kaa fog (ee ha iga tagin)” kadibna Miran ayaa isku duubaayo misna hab siinaayo Reyyan asigoo muxibo iyo kal gaceyl xad dhaaf ah u muujinaayo.

-Markale ayaa lagu tusinaa Miran oo la joogo Reyyan kuna leh; “Ha iska key fogeynin” kadibna maxaa xigi doono??

-Gol ayaa waxay arkee Faraskii Reyyan kaligiis oo qasriga yimid waxayna tusinee aabaheeda taasoo shook ku rideyso Hazar ileen haduu faraskii Reyyan kan yahay aaway iyada???

-Reyyan meel laguma sheego waxaana lagu tusinaa iyadoo meel duur ah wabiga agtiisa suuxsan cid wax ku dhufatayna lama yaqaano waxaana soo xambaaraayo nin aan wajigiisa lagu tusineynin balse dhar madow iyo gacmo gashi madow wato sidii in Reyyan la afduubtay oo kale wuuna sii xambaarsanaa.

-Ugu dambeyn waxaa lagu tusaa Miran oo taleefan laga soo wacaayo kadibna anfariiraayo (naxaayo) sidii in loo sheegay in Reyyan dhimatay asigoona leh “Reyyan” goos gooska ayaana halkaas ku eg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here