Reyyan ma waxay u guursanee Miran jaceyl dartiis mise in colaada damiso oo uusan dhiig kale daadan? Jawaabta halkaan kaga bogo.

0
1190

Sida aan xalqadii 13aad ku daawanay Reyyan waxay markii hore diideysaa guurka Miran balse dhamaadka ayay ogolaaneysaa, hadaba ogolaanshahaas maxaa sababay?

Ma waxaa sabab u ah jaceyl ay Miran u qabto mise waxaa sababay joojinta dhiiga daadanayo?

Intaanan su’aashaas ka jawaabin waa muhiim inaan arimahaan ogaano.

-Reyyan markii loosoo sheego in Azaad naftiis halis ku jirto waxaa dhaceyso in Azaad hooyadiis ay u tageyso Reyyan kuna dhaheyso wiilkeyga badbaadi lkn Reyyan wax jawaab ah ma siineyso.

-Sidoo kale Miran bilowgii xalqada wuxuu Reyyan ka codsanaa guur lkn wey ka diideysaa ayadoona uga tageyso meeshii uu uga tagay.

Hadaba maxaa sababay inReyyan guurka Miran aqbasho?

Jawaabtu waxay tahay Reyyan markii ay maqasho in Miran la xabadeeyay isla markaasna dhintay aad ayay isugu naxeysaa waxayna dareemeysaa qoomamo iyo shalaay waana sababta keeneyso in Miran dhankiisa usoo dagdagto aadna ugu faraxdo markee ogaato inuu badbaaday.

Reyyan waxay guurka Miran u ogolaaneysaa waayo waxay ka cabsatay in Miran weyso hadhowna arinkaas ka shaleyso waana sababta ay u dhaheyso “ma doonayo in aan kaa tago ayadoona qeyb iga mid ah ka shaleyneyso iney kuweyso”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here