Reyyan oo Caziiza ceeji ku dhagtay Hazar oo soo miirsaday iyo goos goos xiiso leh oo laga soo bandhigay taxanaha Hercai xalqadiisa 21aad.

0
8946

Waxaa daqiiqado kahor lasoo saaray goosgooska taxanaha Hercai xalqadiisa 21aad wuxuuna ahaa goos goos xiiso leh kaasoo aan inta ugu muhiimsan idiin kaga soo qaadan doono.

-Goos gooska ayaa ku bilowday iyadoo Miran iyo Reyyan muuqaal Romantic ah kudhex jiraan sidoo kalana erayo jaceyl xiiso leh is weydaarsanayaan.

-Hazar ayaa soo naaxi doono wuxuuna Reyyan u sheegaa in uusan asiga iskiis u dhicin.

-Waxaa ku xigi doono Reyyan oo ceeji ku dhagan Aziiza misna ku leh; intaan ayuu dulmiga aad nagu suubisay ku ekaan doonaa, nolol ma taalo meel aad adiga joogtid adiga ayaa dadka oo dhan dilay.

-Miran ayaana Reyyan ka qaban doono ayaydiisa.

-Gonul ayaa Aziiza ku dhaheyso aniga ma doonayo inaan sii arko hooyadeey oo murugeysan ee ii sheeg walaalkey Furaat miyaa?

-Kadib Aziiza ayaa isku dayayso iney Gonul dharbaaxdo balse Gonu ayaa dharbaaxada Caziiza iska qaban doonto.

-Aziiza ayaa markaas Gonul ugu jawaabi doonto; Hadaad hal khalad sameyso ogoow in walaalkaa uu dhiman doono, mana ogaan doono xitaa inuu ka tirsanyahay qoyska reer Aslan Bey.

Goosgooska ayaa intaas ku eg waana mid xiiso leh ayadoo xalqada xigta ee habeenka sabtida soo gali doonto lafilanaayo iney noqoto mid xiiso leh.

halkaan hoose ka daawo goos gooska;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here