Kulanti wacan akhristayaasheena qiimaha badan kunansoo dhawaada goos gooskii labaad ee laga soo bandhigay xalqada 36-aad ee taxanaha Hercai waana goos goos holac ah dhacdooyin xiiso lehna lagu arkay inaba caadi ma ahan goos gooskan.

Waxuu ka bilaawana goos gooska Reyyan oo la hadleyso Miiran waxayna kudhahee,”waxaan rabaa kaligey inaan ahaado misane nafteyda oa tashto go’aana gaaro (ee adiga orod iska tag).”

Kadib Miiran ayaa Reyyan weydiinaayo,”go’aanka ma waxuu quseeya xiriirkeena mise (Hazar iyo reer Shadalogu)? Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa gabadhii yareyd ee Gol ahed oo gurigooda kasoo tageysa magaalada ayeena soo aadee.

Balse Caziiza ayaa gacanta ku dhigeyso waxay dhahee Caziiza,”Gol ayaa gurigooda kasoo carartay walee Nasuh naftaada markale ayaa gacanta kudhigay muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Hazar oo la ogeysiinaayo in Gol guriga ka tagtay markaasu sida qof waalan oo kale magaalada oga raadina isagoo ku qeylinaayo magacaeeda “Gol.”

Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Caziiza oo Gol la kulmeysi waxayna gabadha yar dhahee,”ifasax gurigeena inaan aado ayaan rabaa” Caziiza waxay ku jawaabe,”aniga ayaa go’aamin doono xiliga baxeyso (inta ka horeyso edeb u joog halkaan).”

Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Miiran oo aad moodo inuu doonayo dhiig daadin ayaa usoo galaayo Caziiza waliba isagoo biskoolad wato waxuuna ugu imaana gurigii ay u guurtay waxuu dhahaa,”aaway Gol.”

Isagoo hadalkiisa sii wata misane biskooladii wajiga ka saaray Caziiza waxuu Miiran leeyahay,”halkeed ku qarisay Gol iska jir haddii ay wax gaaran Gol…” kadib Caziiza ayaa hadalka ka dhexgaleyso oo waxay dhahee,”Haddii ay wax gaaraan hee…oo miyaad i tooganeysaa misane xabad igu dhufaneysaa.”

Dhamaad goos gooska labaad halkaas ayuu ku dhamaana waa goos goos xiiso leh waa markii ugu horeysay Miiran si waji ka waji ah uu Caziiza u weeraro misane hub wajiga ka saaro isagoo careysan walee Caziizo qod qiyaano ha qodin haddaa qoddana ha dheerin baa la yiri Miiran kii aad u korisay inuu Hazar hortaado kudilo ayaa maanta biskoolad dhafoorka kaaga haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here