Reyyan oo ogaatay in Hazar uusan dhalin ayada Miran oo shoogsan iyo dhacdooyinka goosgooska 1ad ee xalqada 26ad taxanaha Hercai.

0
11072

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska xalqada labaatan iyo lixaad e taxanaha Hercai waana goos goos xiiso leh oo inta badan u muuqda mid xaqiiqada lagu ogaan doono xalqada sabtida soo socota.

Goos gooska ayaa ku bilaawanaayo Miiraan iyo Reyyaan oo isla joogaan xili ay ciyaarsiinayaan gabadhii yareyd ee Gul ahed, Miiraan ayaa indhaha iska qabanaayo xili Gul dhuumaneyso kadib Miiraan iyo Reyyan ayaa goobta sheeko kudhex mareyso ayagoo isku faraxsan gacmahana is heystaan.

Miiraan iyo Reyyan wey heshiyeen sida goos gooska laga fahmi karo sababte ku heshiyeen ama kaliftay in Miiraan xanaaqiisa iska ilaawo waxaa lagu ogaan doonaa xalqada sabtida, kadib waxaa xigta Gul oo arkeyso sawir waxayna Miiraan iyo Reyyan weydiina qofka uu yahay sawirkaas iyado kudhaheyso hadii habartii indhaha madoweyd tahay (Casiisa ayee ula jeeda) waan ka baqanayaa.

Waxaa xiga oday Hasar oo Sahra ka codsanaayo inee runta u sheegto iyo waxay ay qarineyso waxuuna ku dhahaa “hadii aad si dhab ah ii jeceshahay oo ninkaada ahay misane wax walbo aniga kaaga muhiimsanahay aduunkaan dushiisa saaran runta iisheeg fadlan.”

Maamo Sahra oo qiireysan ayaa go’aan ku gaareyso inee runta sheegto waxayna u tagee Miiraan iyo Reyyan oo isla joogaan waxayna Reyyan ka codsanee inee soo raacdo si arin muhiim ah ugu sheegto Miiraan ayaa dhinac u baxaayo si uu oga dhex baxo gabar iyo hooyadeed sheekadooda.

Balse Sahra ayaa Miiraana ka codsaneysa inuu sooraaco asna si uu u dhagesyto waxay ay sheegeyso oo asigana quseyaan Miiraan oo yaaban aaya soo raacayo kadib waxaa xiga Miiraan oo aad moodo inuu Reyyan ka naxsanyahay asigoona dhahaayo “Reyyan”

Goos gooskan waxaa laga fahmi karaa in Miiraan iyo Reyyan heshiyeen sido kale in Sahra runta sheegtay ayee u badantahay waxaana ku qasbay seygeeda Hazar balse lama hubo xaqiiqda ay sheegtay hadii ay tahay In Reyyan u sheegtay inuusan aabaheeda Hazar aheyn ama Miran runta u sheegtay.

aniga ahaan waxay ila tahay in Zahra ay Reyyan u sheegtay in Hazar uusan aabaheeda aheyn oo uusan dhalin waana sababta uu Miran asigoo naxsan u dhahaayo “Reyyan”.

waxaa kaloo lagu tusaa Casiisa oo xanaaqsan talaabada ay qaadeysana lama oga guud ahaan xalqada sabtida waa mid xiisaheeda wadata.

Halkaan ka daawo dhacdooyinka goosgooska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here