Atirishada Rhea Chakraborty waxaa ku furan dacwad xoogan ayadoo lagu eedeenayo inay ka dambeesay ama ku lug laheed geeridii Sushant Singh Rajput ku timid 14-kii June 2020 madaama xiriir jaceyl ka dhaxeeyay, haatana qolyaha dambi baarista Hindiya qaabilsan CBI oo kiiskan la wareegeen waxay Rhea ku dareen liiska dadka la wareesan doono oo siweyn loo tuhansan yahay.

Sidaa darteed waxaa la sheegay kooxda filimka Chehre iska leh inay qaateen in Rhea Chakraborty gabi ahaanba muuqaalada ay ku leedahay filimkan laga jaro waxayna atirisho u tahay ama jaceyl shaashada kula wadaageysaa Emraan Hashmi halka halyee Amitabh Bachchan isagana hogaamiyaasha mashruucan ka mid yahay.

Filimka Chehre waxaa Director ka ah Rumi Jaffrey oo saaxiib dhow la ahaa Sushant Singh Rajput mana doonayo filim sameeyahan in filimkiisa Rhea qayb kasii ahaato madaama muuqaalo kooban ku leedahay gabi ahaanba filimkan waa laga saari doonaa sidoo kalena taageerayaasha Sushant waxay dalbanayaan in Rhea Bollywood-ka oo idil laga saaro.

Filimka Chehre waxaa lagu waday 17 July 2020 in la daawado balse saameynta Karoona oo aan weli Hindiya ka yaraanin awgeed dib ayaa loo dhigay waxaana la daawan doonaa marka ay xaalada caadi kusoo laabato inkastoo ay macquul tahay in dhawaan si Online ahaan loo daawado haddii jawiga caadi kusoo laaban waayo bilooyinka nagu soo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here