Atiriishada caanka noqotay ee Rhea Chakraborty ayaa nafteeda halis kujirtaa waxaana soo gaarayaan fariimo gabadhaan lagu cabsi gelinaayo habeen iyo maalinba iyadoo sheegtay inee daba dhigteen labo nin oo Instagram-ka isticmaalaan.

Maalintuu Sushant geeriyooday wixii ka dambeyeen gabadhaan waa ladaba dhigtay waxaana lagu eedeynayaa inee iyada masuul ka ahed geerida atoorahan mar waxaa la dhahay buuq ayee ku furtay, marna lacag ayee ka dhacday markalena wey qiyaantay oo Mahesh  Bhatt ayee ku dul waday.

Sikastee ahaataba eedeymahaas midna cadeyn cad laguma haayo balse dadka qeyb ayaa naceeb u qaadeen waxay sheegtay gabadhani inee labo nin nafta u keenen ayna ka dacwooneyso kana aamusi doonin sababto ah kufsi iyo dil ayee ugu hanjabeen waxayna tiri wax laga aamusi karo ma ahan arinkaas.

Waxay labada nin ku hanjabeen inee soo weerari doonan Rhea gurigeeda ay Mumbai ka degentahay xili saq dhexe habeenimo halkaasna ku kufsan doonaan kadibna dili doonaan waa sida ay ku hanjabeen hader atiriishadan booliska ayee ogeysiineysa sida ay sheegtay maadama nafteeda loo soo dhigtay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here