Nin lagu magacaabo Surjeet Singh Rathore ayaa saxaafada arimo cusub la wadaagay waxuuna katirsanaa wadaadada meedka Sushant gubeen isagoo sheegay inuu goob joog ahaa markii Sushant meedkiisa isbitaalka kujiray.

Waxuu yir isagoo hadlaao,”anigoo la joogo Suraj Singh (Sushant saaxiibkiis) waxaa timid Rhea Chakraborty kadibna Suraj ayaa igu amray inaan Rhea qolka meedka kujiray geeyo si ay ula kulanto markii aan gudaha galnay meedkiisana aragnay arin iga yaabisay ayaa meesha ka dhacday.”

“Waxaan arkay mid kamid ah lafaha Sushant ee qoortiisa oo jaban waan la yaabay sido kale Rhea ayaa gacanteeda xabadka Sushant saartay waxayna tiri waan ka xumahay Babu (magac Rhea ugu yeeri jirtay Sushant) hadalkaas ayaa si weyn iiga yaabiyay.”

“Waxaan kaloo banaanka aan ku arkay Sushant saaxiibkiis Sandeep Singh markuu I arkay deg deg ayuu meesha kaga tagay waayo ima uusan filaneynin inaan meesha imaanayo wuuna ka cararay hadaba aniga seddexdaas arin ayaa iga yaabiyay lafta qoorta Sushant oo jaban, hadalka Rhea iyo orodka Sandeep.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here