Atiriishada Rhea Chakraborty ayaa laga yaaba inee xabsi gasho maadama qoyska Sushan soo dacweeyeen dabcana cadeemo cad wey ku hayaan balse waxaa suaal ka jirtaa maxay intaano dhan la aamusnayeen miyee cabsanaayen mise arin kala jirto.

Rhea waxaa lagu heystaa inee hanti ka dhacday Sushant sido kalena ku qasabtay inuu is dilo Krishna oo ah aabaha dhalay Sushant ayaana arinkaas ka dhawaajiyay xili uu booqday saldhiga magaalada Patna ee gobolka Bihar sido kale 5-qof kale oo aan magacooda la sheegin ayaa dacwada kula jiraan Rhea.

Arinka xiisaha leh ayaa ah in Rhea 7-jeer kala duwan lasoo dacweeyay laguna heysto inee geerida Sushant sabab u tahay bishii June ilaa hada 7 jeer kala duwan ayaa atiriishadan lagu dacweeyay is-dilka Sushant balse markii 7-aad ayaa ugu daran oo oday Krishna wax badan shaaciyay.

Kiiska Sushant Singh oo 40-qof kabadan wax laga weydiiyay ayaa hader soo amba bixi rabaan koox boolis ah oo Patna katirsan si ay Mumbai u imaadan baaritaana ugu sameyaan kiiska Sushant waxaa kaloo macquul ah in kiiska gabi ahaan loo gudbiyo waaxda dambi baarista ee CBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here